Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo ka digtey khatar ka imaan karta Warshad Nukleer ah oo la duqeeyey

Warshad nukliyeerka ka dhalisa korontada oo kutaalla magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ayaa duqeyn culus lagu garaacay, waxaana jirta cabsi laga qabo in xaalado adag ka dhashay duqeynta warshadaasi.

Madaxa Hay’adda Tamarta Atomikada Adduunka (IAEA) ayaana digniin adag kasoo saaray waxyeelo ka dhalan karta duqeynta warshada, waxa uuna weerarka lagu qaaday warshada ku tilmaamay mid kheyrul masuulnimo ah aan laga fekerin dhibka ka dhalan kara.

Warshadan nukliyeerka korontada ka dhalisa ee la duqeeyay ayaa waxaa kormeer ku tagay khuburo ka socota hay’adda IAEA , waxa ayna khubarada sheegeen in xarunta 3 gantaal lagu dhuftay, balse uusan khasaare saas u weyn ka muuqan.

Magaalada warshadan la duqeeyay kutaallo ayaa sanandkii 2022-kii waxaa dagaal ku qabsaday ciidamada Ruushka, waxa ayna Ruushka ku eedeeyeen in duqeynta warshada ka dambeeyeen ciidamada Ukraine, inkastoo dhankeeda beenisay Ukraine eedeyntaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad diiday amarkii boolis ay ku mamnuuceen gubitaanka Kitaabka Quraanka ah

Cabdi Cade

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Heshiis shalay Muqdisho lagu gaaray

Cabdi Cade

Daawo: DF oo ka hadashay Saraakiil la dilay, Puntland oo eedeysay Somaliland & Warar kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---