Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo soo saartay amar culus oo ka dhan ah Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha DF

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Xaaji Abshir  ayaa sheegay qofkii Taageero u muujiya Wasiirka cusub ee arimaha Gudaha Soomaaliya Wasiir Cali Yusuf Xoosh inuu noqonayo Danbiile.

Waxaa kale oo uu sheegay inaan la taageeri karin Dowlada Somalia ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Shiikh Maxamuud

“Wasiirka arrimaha gudaha ee la magacaabay shaqo kuma lihin, ganacsatadda iyo qofkii la xariira dowlada Federaalka waa dambiile” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Nugaal.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa mamnuucay in magaalada Garowe lagu qabto shirar lagu taageerayo dowlada Somalia

“Cid Alla ciddii la xiriirta ama shirar lagu taageerayo DFS & Wasiirada la magacaabay ku qabata  Hotelada  Garowe, Dowladdu talaabo sharci ah ayay ka qaadaysaa, hantidoodana way la wareegaysaa” ayuu yiro Guddoomiyaha gobolka Nugaal

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili  Wasiir Cali Xoosh oo ka soo jeeda Puntland uu qorshaynayo berrito in Xaflad lagu taageerayo isaga lagu qabto Garoowe, waxaana arrintaas laga cabsi qabaa  iney xiisad cusub ka dhaliso Pun tland

Wasiirka cusub ee loo magacaabay arimaha Gudaha Soomaaliya Wasiir Cali Yusuf Xoosh ayaa ah siyaasi si weyn uga soo horjeeda hab maamulka Madaxweyne Saciid C/llaahi Deni.

HOOS KA DAAWO HADALKA GUDOOMIYAHA NUGAAL

Related posts

Xassan Shiikh oo Washington kula kulmay Madaxda Afrika qaarkood (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasaaradda Waxbarashada oo si adag u beenisay warar lagu baahjiyay Baraha Bulshada

Cabdi Cade

Jubbaland oo aqbashay in ay qeyb ka noqoto Guddi uu dalbay xafiiska Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---