Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Boliska Somalia oo shir deg deg ah la qaatay Saraakiisha laamana amniga (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kulan dag dag ah iskugu yeeray Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ee ka Howlagalo Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa,

Ujeedka kulanka ayaa ahaa dardar galin Howlaha amni ee Caasimada maadaama bishii barakeysned ee Ramadaan ay Gabagabo tahay loona diyaar garoobo sidii loo xaqiijin lahaa amniga muwaadiniinta Maalmaha ciida ee nagu soo food leh u dabaaldagayo,

S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa dhamaan Saraakiisha  fadhiyada Qeybaha saldhigayada Nabad sugida iyo Boliis Militaaro, in laga shaqeyo sidii loo laba jibaari lahaa amniga Caasimada iyo Nawaaxigeeda.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa sidoo kale warbixino ka dhegeystay saraakiisha ciidamada  iyo taliyeyaasha saldhigyada kuwaasoo la xiriiray xaaladihii ugu dambeeyey ee amniga.

Related posts

Jilaa caan ka ahaa qaarada Afrika oo geeriyooday iyo dad badan oo ka hadlay geeridiisa

Cabdi Cade

Madaxtooyada Jabuuti oo lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Deni (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyey 24 saac oo hoos u dhacday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---