Allbanaadir.com
NEWS

Safaaradda Soomaaliya oo laga codsaday Caddaynta Da’da Burcad-badeed ku xiran Hindiya

Safaaradda dowladda Soomaaliya ku leedahay dalka Hindiya ayaa laga codsaday inay soo xaqiijiyaan sugnaanshaha da’da 8 burcad-baddeed oo da’ yar sheegtay iyo guud ahaan dukumentiyada dhalashada, shahaadooyinka iyo aqoonsiga ay burcad-baddeeda haystaan.

Dacwad-oogaha khaaska ee maxkamadaha Hindiya, Iqbal Solkar ayaa ku baaqay in la soo caddeeyo dukumentiyada ay haystaan, iyadoo 7 Burcad-baddeed sheegatay inaysan qaan gaarin lagu sameeyey baaritaano dhanka da’da lafaha (The ossification tests), lana ogaaday inay da’dooda ka weyn tahay 20 jir .

Toddobada eedeysane waxaa la sheegay in loo gudbiyey hoyga Carruurta lagu hayo ee dongri ee Koonfurta magaalladda Mumbai ee dalkaasi, si halkaasi loogu hayo inta ay kasoo qaan gaarayaan.

Dhanka kale, Tan iyo bishii March 24-dii waxay booliska Hindiya baaritaano ku hayaan 35 muwaadiniin Soomaali oo loo haysto afduub, kuwaasi oo laga soo qabtay Badda Carbeed (Arabian Sea) oo 482 KM u jirta Dekedda magaalladda Garacad ee W/ bari ee Soomaaiya.

35 Burcad-baddeeda ayaa la amray in lagu sii hayo xabsiga muddo 14 maalmood oo dheeraad ah, halka 7 kalena kiiskooda loo gudbiyey maxkamadda Khaaska uu ah dadka aan weli qaan gaarn (The Juvenile Court).

Burcad-baddeedaasi ku xiran dalka Hindiya waxaa la sheegay inay bishii December 14-dii ee sannadkii hore qafaasheen Markabka xamuulka ee MV RUEN oo ay la socdaan 17 Badmaaxiin.

Hadal ka soo baxay taliska ciiddanka badda ee Hindiya ayaa lagu sheegay in Burcad-baddeeda Soomaalida lagu qabtay labo doonyaha dheereeya, 3 Matoor, 196 rasaas nool, hal khasnad, mindi iyo qalab kale, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba, 27 ka mid ah 35-ka Eedeysane ayaa lagu soo oogay fal-dembiyeedyo ku xusan xeerka ciqaabta dalka Hindiya sida isku-day dil, afduub, xabsi aan sharci ahayn, hanjabaad iyo falal xadgudub ku ah sharuucda hubka iyo baasaboorada ee Xeerka ciqaabta dalkaasi.

W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guri kuyaalla magaalada Muqdisho oo dumay iyo khasaro dhimasho oo ka dhashay

Cabdi Cade

Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Hague (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maamulka DDSI shuruudo cusub ku soo rogay dadka qabanaya xilalka gobolada (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---