Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diginin adag u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha shisheeye ka kalluumeysta biyaha Soomaaliya.
Digniintaan ayaa ku qotonta u hoggaansanaanta sharciga Maareynta iyo Horumarinta kalluumeysiga Soomaaliyeed, gaar ahaan qodobka 31aad ee qeexaya hababka kalluumeysi ee sharci ahaan la ogol yahay.
Wasaaradda ayaa si adag u sheegtay in aan la ogoleyn dhammaan nuucyada ama hababka Kalluumeysi ee ka hor imaanaya sharciga, haddii ay dhacaanna ay sababi karaan in tallaabooyin adag oo ka dhan ah cidda lagu helo la qaadi doono.
Waxa ay ugu baaqday wasaaradda dhammaan dhinacyada ay digniintaan ku socoto in ay qaataan mas’uuliyaddooda si loo ilaaliyo kheyraadka badaheenna islamarknaa si wax ku oolnimo leh looga faa’iideysto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com