Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo magacaabay Wasiirro cusub iyo Wasiir Fiqi oo laga dhigay …

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa saakay oo Axad ah wareegto uu soo saaray ku magacaabay wasiirro cusub oo kamid noqonaya Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiiradda uu magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isugu jira kuwa horey boosaskooda u bannaanaayeen iyo wasiirro cusub uu xilka ka qaaday una magacaabay xubno cusub oo beddelayo.

Axmed Macalin Fiqi wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa loo magacaabay in uu noqdo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, halka booska wasiirka arrimaha gudaha loo magacaabay Cali Yuusuf Cali Xoosh.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale u magacaabay wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya Senator General Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah siyaasiyiinta caanka ah ee kasoo jeeda gobolka Gedo.

Xamse Barre ayaa sidoo kale u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame xilka  wasiirka wasaarada Tamarta iyo Biyaha, halka Maxamed Aadan Macalin loo magacaabay wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa u magacaabay mudane Axmed Cumar Maxamed wasiiru dowlaha wasaaradda Bay’adda iyo isbadalka cimilada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo ka qeyb gashay Shir Muhiim ah oo ka dhacay Rabat (Daawo Sawirada)

admin

Yuusuf Cali Max’ed oo shaqada laga joojiyey & Masuul cusub oo lagu bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali

Abaabulka Banaan bax looga soo horjeedo Shirka maanta London ka furmaya oo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---