Dibad-baxayaa ayaa mar kale isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinka Tel Aviv, Caesarea iyo Haifa, waxayna dalbanayeen inuu is casilo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, lana soo hormariyo doorashooyin.
Dibad-baxayaashu waxay sidoo kale ku baaqay in la sii daayo dhammaan la haystayaasha Israa’iil ee lagu haysto Qaza muddada lixda bilood ah ee dagaalku socdo.
Dad badan ayaa ruxayay calanka Israa’iil, waxayna kor u taageen boorar ay ku qoran yihiin sawirrada dadka la qafaashay, iyagoo ugu baaqay dowladda inay nolol ku keento.
Magaalada Tel Aviv, waxaa la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqaya: “Annagu ma cabsanayno, dalkiina waad burburiseen, annagana waanu hagaajinaynaa, waxaanu doonaynaa in iyaga (la haystayaashii) dib loo soo celiyo iyagoo nool oo aan naxash lagu ridin.”
Mudaaharaadayaasha ayaa sitay calammo iyo boorar, waxaana mid ka mid ah ku qornaa, “Xukuumaddii dalka burburisay, qarankiina kala gooysay”.
Boorar kale ayaa ku baaqayay “Kala qaybinta diinta iyo dawladda,” mid ka mid ah ayaa sheegay in “Netanyahu wuxuu khatar ku yahay Israa’iil.”
Dibad-baxayasha ayaa ku tilmaamay dowladda mid fashilantay, iyagoo sheegay in Netanyahu uu yahay “dambi”.