Allbanaadir.com
NEWS

Askari ka tirsan Booliska Puntland oo la dilay & ninkii ka dambeeyey oo..

Booliska gobolka Nugaal ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedaysan dilka askari boolis ah, dilkaas oo xalay fiidkii hore ka dhacay bartamaha magaalada Garowe Garoowe.

Cabdinuur Bashiir Maxamed ayaa ku eedaysan dilka marxuum Cabdixakiin Fiqi oo ka tirsanaa ciidamada Booliska gobolka Nugaal.

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in soo qabashada ninkan ay timid kadib howlgal saacado kooban qaatay oo ay sameeyeen ciidamada amaanka,

“Howlgal qaatay saacado kooban oo uu hogaaminayay Taliyaha qaybta booliska G. Nugaal ayaa gacanta lagu dhigay eedaysane Cabdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuun Cabdixakiin Fiqi oo ka tirsanaa ciidanka booliska G.Nugaal oo caawa fiidkii lagu dilay magaalada Garoowe”.

Ma cadda in ninka dilka geystay uu ka tirsan yahay Al shabaab iyo iney jiraan sababo kale oo keenay inuu dilo askariga, iyadoo dilalka noocan ah ee lala beegsado askarta aan looga baran magaalada Garowe

Related posts

Dowladda oo ka jawaabtay hadalka lataliyihii Farmaajo

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu yahay shirka caalamiga ah ee Somalia kaga qeyb galayso dalka Vietnam?

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Hobyo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---