Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo la kulmay dhaxal-suge Max’ed Binu Salman

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Dhaxal-sugaha dalkaas, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis.

Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay xaaladda gobolka,

xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga,  madaxbannaanida Soomaaliya.

Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Labada dhinac ayaa tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Somaliland, kaasoo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Villa Somalia.

Related posts

Farmaajo oo ciidamada dowlada ugu baaqay iney ka fogaadaan hal arrin oo khatar ah

Caydiid Ali

Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay daadad xoogan oo xalay ku rogmaday magaalada Qardho

Cabdi Cade

Dayuurado dagaal oo duqeymo culus ka geystay degaano ka tirsan Koonfurta Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---