Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon Aabe u ahaa Masuul ka tirsan dowlada Somalia oo caawa Muqdisho lagu dilay

Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay Nabadoon Muxyadiin Ali Cariif ka dib rasaas ay ku fureen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa xaafada Siisii ee degmada Kaaraan.

Marxuumka ayaa isla goobta ku geeriyooday, iyadoo kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Muxyadiin Ali Cariif ayaa aabe u ahaa Cusmaan Muxyadiin Ali Cariif oo ah Maamulaha Furdada Garoonka diyaaraadaha Muqdisho.

Cusmaan Muxudiin Cariif ayaa sidoo kale mar soo noqday Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Lama oga sababta loo dilay marxuumka iyo cida ka dambeysay, laamaha amaanka DF oo wada baaritaano ayaan illaa hadda ka hadlin dilkan.

Related posts

Mareykanka oo beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Cuba

Caydiid Ali

Kumanaan Dhalinyaro ah oo safaf dheer ugu jira in loo qoro Dagaalka ka dhanka ah TPLF

Cabdi Cade

Shaki laga muujiyay Safarka PM Rooble & Madaxwayne Geelle oo u hanjabay….!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---