Allbanaadir.com
NEWS

Meydka nin ku dhacay War oo howlgal saacado badan qaatay kaddib lasoo saaray (Sawirro)

Ciidamada ilaalaha xeebaha maamulka Somaliland, ciidanka dab-damiska iyo khuburo ku xeel dheer dabaasha ayaa saacado badan kaddib ku guuleestay in meydka nin saacado badan la la’aa kasoo saaraan balli ama war kutaalla degmada Dila ee gobolka Awdal.

Maydka marxuum Cabdiramaan Mukhtaar Cali ayaa shalay oo Jimco aheyd waxaa liqay dhaamka ama balliga  Degmada Dilla, waxaana shalay ilaa maanta socday baadigoobka meydka marxuumka oo la la’aa.

Ehelada marxuumka iyo sidoo kale dadka deegaanka ayaa isugu tagay balliga uu ku dhacay marxuumka, waxaana ugu dambeyn lagu guuleestay in saacado badan kaddib meydka marxuumka laga soo saaray biyaha , iyadoona la qorsheenayo in la aaso.

Dadka deegaanka iyo ehelada ayaana uga mahadceliyay ciidamada maamulka Somaliland iyo dadkii kale ee isku hoolay sidii loo heli lahaa meydka marxuum Cabdiramaan Mukhtaar Cali, oo raadintisa waqti badan qaadatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil loo geestay masuul katirsan dowladda Kenya

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Amaro culus kusoo rogay Bangiyada iyo Xawaaladaha Puntland kuyaala

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo war kulul ka soo saaray weerarkii ka dhacay Xeebta Liiso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---