Allbanaadir.com
NEWS

Bisado sabab u noqday in Lamaane lagu rido xukun xabsi ah iyo ganaax lacageed

Lamaane da’ ah oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa maxkamad kutaalla dalkaasi ku riday xukun xabsi ah iyo ganaax lacageed, kaddib markii lagu eedeeyay in meel cariiri ah galiyeen bisado badan .

Warbaahinta dalka Faransiiska ayaa ku warramay in lamaanahan oo kala ah 52-sanno jir iyo 68-sanno jir ay gurigooda oo ahaa mid cariiri ah ay ku hayeen 159-bisadood iyo sideed eey, kuwaa oo la sheegay in xaalad adag ku heesatay gurigaasi.

Maxkamad kutaalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska ayaana lamaanahan ku riday xukun xabsi oo gaaraya hal sanno, waxa ay sidoo kale laamanahan lagu ganaaxay in ay bixiyaan lacag gaareysa €150,000.

Booliiska magaalada Nice ayaa tagay guriga lamaanahan kaddib muran dhax maray, waxa ayna booliiska si lama filaan ah guriga lamaanahan ugu arkeen bisadaha tirada badan iyo eeyaha, kuwaa oo daruufo iyo xaalado adag oo nololeed ay ka muuqdeen.

Lamaanahan xukunka lagu riday ayaana maxkamadda kahor sheegay in bisadaha gurigooda u keeneen sidii ay xanaaneyn iyo raashin u siin lahaayeen, waxa ayna sheegeen lamaanahan in bisadaha kasoo aruuriyeen waddooyinka oo ay ku dhibaateesnaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dab xooggan oo caawa qabsaday xarunta dembi baarista Booliska Muqdisho ee CID

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu ku jiro Dabin siyaasadeed oo taxadar u baahan

Cabdi Cade

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo saaka ka ambabaxay dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---