Dab xooggan ayaa saaka ka kacay dhismayaal ganacsi oo ku yaalla bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa saacado ka dib lagu guuleystay in nla damiyo.
Wararka ayaa sheegaya in dhismeyaasha gubtay ay ku yaalaan qeybta dharka lagu iibiyo, waxaana basbeelay dhowr dukaan oo lagu iibinayey dharka ciida kuwaasoo ku yaalla nawaaxigav Suuqa dahablaha.
Gaadiidka dab damiska ee Shirkadda hormuud iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay saacado ka dib iney demiyaan dabkaas ka kacay suuqa inkastoo ay caqabad ku noqdeen sandaqado laga dhistay jidadka Suuqa dhexmara.
Dabka qabsada Suuqa bakaaraha ayaa mudooyinkan soo laalaabanayey, dhowr todobaad ka hor ayeyna aheyd markii sidan oo kale uu dab qabsaday qeybta Cabdalla shideeye loo yaqaano ee lagu iibiyo Electronikada ee Suuqa bakaaraha.
Sidoo kale dabkan ayaa ku soo aadaya xili suuqa bakaaraha iyo suuqyada kale ee caasimada mashquul xoogan uu ka jiray maalmahan, ka dib markii ay u soo dukaameysi tageen dad fara badan, diyaar garowga munaasabada ciida awgeed.