Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir ka tirsan Xukuumada Israel oo aflagaado bareer ah u geystay Madaxda Qatar

Wasiirka Israel ayaa ku andacoonaya in Qatar aysan daacad ka ahayn wadahadalka xabad joojinta

Wasiirka dhaqaalaha ee israel Nir Barkat oo maanta u waramayay TV-ga Bloomberg ayaa sheegay in aanu ku kalsoonayn in dawlada Qatar ay dhexdhexaadin ka noqoto ururka Xamaas inta ay socdaan wadahadalada lagu doonayo in xabad joojinta Gaza lagu soo afjaro, lana sii daayo maxaabiista Isra’iil ee gacanta ugu jira Xamaas iyo kuwa kale..

“Waxaa yeey lebbisan dharka idaha,” ayuu yiri wasiirkaas oo aflagaado qaawan u geystay madaxda Qatar

Barkat ayaa sidoo kale ku eedeeyay Qatar “in ay maalgeliso argagixisada adduunka oo dhan”.

Dowladda Qatar, oo si isdaba joog ah u diiday eedeymaha ah in ay taageerto “argagixisada”, ayaa door dhexdhexaadin ah ka ciyaartay dhammaan dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Waxa ay qayb ka qaadatay xabad joojinta ku meel gaarka aheyd ee u dhaxaysay Israa’iil iyo Xamaas bilo ka hor, taas oo keentay in la sii daayo daraasiin maxaabiis ah oo Israel ah oo lagu bedeshay maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira jeelasha Israel.

Ra’iisul wasaaraha Qatar ayaa Arbacadii ku nuuxnuuxsaday in dalkiisa uusan qeyb ka ahayn khilaafka balse uu yahay dhexdhexaadiye bilow u ahaa dhexdhexaadinta si loo sii daayo maxaabiista, dagaalkana la soo afjaro.

Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa sidoo kale dhaleeceeyay “hadalada mas’uuliyad darrada ah ee ka dhanka ah Qatar” ee ay sameeyeen siyaasiyiinta qaar, kuwaasoo buu yiri, isku dayaya inay ciyaaraan ciyaar carqaladeyn ah “halkii ay la shaqeyn lahaayeen.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa diiday inay ka faallooto ereyada Barkat, iyadoo aan caddayn in dhaleecayntiisu ay ka dhigan tahay mowqifka rasmiga ah ee dawladda Israa’iil. Barkat waa xubin ka tirsan xisbiga Ra’iisul Wasaare Netanyahu ee Likud.

Related posts

Tirada kiisaska cudurka COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya oo kordhay

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay falkii lagu rasaaseeyey gaariga Xasan Shiikh

Caydiid Ali

(Sawirro) NISA oo Muqdisho ku qabatay Shabakad ka tirsan Al-Shabaab oo damacsaneyd..

Caydiid Ali