Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo Khamiista la hadlay in xaaladda guud ee bini’aadantinimo ee Gaza iyo dhimashada shaqaalaha gargaarka ee ka dhashay weerarrada Israa’iil ay yihiin “wax aan la aqbali karin.”
Biden ayaa uga digay Israa’iil inay qaado tillaabooyin ay wax kaga qabanayso dhibaatada haddii kale ay cawaaqib xumo la kulmi doonto.
Waxay noqonaysaa baaqii u horeeyay ee ay labada hogaamiye dhex maraan tan iyo markii ay Israa’iil duqaymo ku dishay 7 shaqaale gargaar ah oo ka shaqaynayay Jikada Dhexe ee Adduunka.
Biden, wuxuu caddeeyay baahida loo qabo in Israa’iil ay ku dhawaaqdo oo ay hirgeliso tillaabooyin gaar ah oo la taaban karo, oo lana cabbiri karo si wax looga qabto waxyeelada rayidka ah, dhibaatada bini’aadantinimo, iyo badbaadada shaqaalaha gargaarka
“Wuxuu si cad u sheegay in siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan Gaza lagu go’aamin doono qiimayntayada tallaabada degdegga ah ee Israa’iil ee falkalkan iyo isbedelka ay sameyso,” ayuu intaas ku daray war ka soo baxay Aqalka Cad.
Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa isna sheegay in labada hogaamiye aysan si faah faahsan uga hadlin baaritaanka Israel ee weerarka. Kirby wuxuu sheegay in Netanyahu uu muujiyay “inuu qaadi doono tillaabooyin ku habboon si loo hubiyo in wax sidaas oo kale ah aysan mar kale dhici karin” marka baaritaankaas la soo gabagabeeyo.
Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale ka wada hadlay hanjabaadaha Iran ee ka dhanka ah Israa’iil, waxaana Biden uu u xaqiijiyay taageerada Mareykanka ee Israa’iil marka ay wajahdo hanjabaadahaas, sida uu sheegay Aqalka Cad.
Xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken ayaa sidoo kale uga digay Israa’iil in haddii aan wax badan laga qaban si loo ilaaliyo rayidka iyo shaqaalaha bini’aadantinimada ee Gaza, markaas Mareykanku uu hirgelin karo isbedello siyaasadeed oo u gaar ah .