Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo caawa booqday suuqa X/Weyne oo dukaameysi xoogan uu ka socdo (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caawa kormeer shaqo ku tagay Suuqa weyn ee Degmada Xamarweyne si uu ugu kuur-galo dhaq-dhaqaaqa Ganacsi ee ka jira xilliyada Habeenkii maadaama lagu jiro tobonkii ugu danbeesay ee Bisha Ramadaan, isla markaana ay bulshada isku diyaarinayaan Ciidul Fidriga.

Kormeerkaan oo ay Duqa Muqdisho ku wehlinayeen Maamulka Degmada Xamarweyne, Saraakiisha Laamaha Amniga iyo xubno kale, ayaa waxa uu Duqa Muqdisho kasoo Dukaameystay mid ka mid ah goobaha Ganacsiga ee Suuqa Xamarweyne,

Madaale ayaa xog wareystay shacabka usoo dukaameysi tagay Suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka Amni iyo kobaca Ganacsi ee ka jira Suuqa Xamarweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale socod ku tagay xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis, halkaasi, waxa uuna Bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga si loo xoojiyo guulaha laga gaaray Amniga Caasimadda.

Related posts

Masuuliyiin ka tirsanaa Maamulkii Cabdi Maxuud Cumar oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali

Maamulada afar Isbitaal oo kuyaalla Muqdisho oo la xiray

Cabdi Cade

Ra’isul Waaare Rooble oo mar kale Baaq u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---