Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cabsi soo wajahday shacabka Israel ka dib hanjabaadii ka soo yeertay Iran

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa Khamiistii ka hadlay walaaca ay qabaan muwaadiniinta dalkaasi ka dib markii Iran ay ku eedeysay Israa’iil inay duqeysay dhismaha safaaradeeda Suuriya, waxayna wacad ku martay inay ka aargoosan doonto.

“Looma baahna in la iibsado matoor, lagu kaydiyo cunto iyo in lagala baxo lacagta ATM-yada,” afhayeenka ciidamada difaaca Israel Rear Adm. Daniel Hagari ayaa yiri. “Sida aan samaynay ilaa maanta, waxaan si deg deg ah u soo gudbin doonaa wixii isbedel ah si rasmi ah oo nidaamsan.

Milatariga Israa’iil ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay fasaxii ay ku bixi jireen cutubyadooda dagaalka Khamiista, maalin ka dib markii ay ku dhawaaqeen in ay kordhin doonaan qorista ayna ku baaqayaan kaydka difaaca hawada.

Iran ayaa balan qaaday in ay ka jawaabi doonto weerar lagu qaaday qunsuliyada ay ku leedahay magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, kaasoo ay ku eedaysay Israel.

Safiirka Iran ee Dimishiq, Hossein Akbari, ayaa Israa’iil ku eedeeyay weerarrada, isagoo xusay in dhismaha “lagu bartilmaameedsaday lix gantaal oo laga soo riday diyaaradaha dagaalka ee Israel ee F-35.” sida ay sheegtay Wakaalada wararka ee Syrian Arab News Agency.

Akbari waxa uu sheegay in weerarka Israa’iil uu ka soo horjeedo dhammaan sharciyada caalamiga ah Iran ay noqon doonto mid go’aan ka gaarta jawaabteeda.

Todobo sarkaal oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa lagu dilay weerarka, oo ay ku jiraan taliyayaasha sare ee Iran Mohammed Reza Zahedi iyo Mohammad Hadi Haji Rahimi, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Iran.

Related posts

Soomaali dab qabadsiiyey labo kaniisadood oo Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka oo Iscasishay iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade

Malaayiin qof oo joojinaya isticmaalka barta Twitter & Xog ku aadan sababta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---