Waxaa shalay oo Arbaco aheyd magaalada Mombai ee dalka Hindia laga dejiyay sagaal muwaadin oo Soomaali ah, kuwaa oo ku eedeysan in ay yihiin burcad-badeed ayna afduub u geesteen dooni kaluumeysi oo laga lagaa dalka Iran.
Kooxdan Soomaalida ah ee loo heesto in ay burcad-badeed yihiin ayaa lagu wareejiyay booliiska magaalada Mombai oo xabsi gaar ah dhigay, waxaana la filayaa in raggan maanta lasoo taago maxkamad kutaalla magaalada Mombai.
Howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada badda dalka Hindia 29-kii bishii dhammaatay ee Marso ayaa lagu soo qab qabtay burcad-badeedan Soomaalida ah , kuwaa oo heestay doon laga lahaa Iran oo ay ka afduubteen biyaha Soomaaliya.
Ciidamada badda dalka Hindia ayaana soo bad baadiyay 23-badmaax oo u dhashay dalka Pakistan kuwaa oo la socday doonta la afduubtay, waxa ayna ciidamada Hindia burcadii ay qabteen geeyeen dalkooda si loo maxkamadeeyo.
Halkan ka Akhriso magacyada burcad-badeeda la geeyay dalka Hindia.
1- Geelle Jaamac Faarax oo 50 jir ah,
2- Aadan Xasan Warsame oo 44 jir ah,
3- Axmed Bashiir Cumar oo 42 jir ah,
4- C/Kariim Maxamed Shire oo 34 jir ah,
5- Maxamed Cabdi Shire oo 34 jir ah,
6- C/qaadir Maxamed Cali oo 28 jir ah,
7- Caydiid Maxamuud Jimcaale oo 30 jir ah,
8- Saciid Yaasiin Aadan oo 25 jir ah,
9- Jaamac Saciid Cilmi oo 18 jir ah.
Ciidamada badda dalla Hindia ayaa horey bishii hore magaalada Mombai u geeyay koox kale oo burcadbadeed ah oo ka badan 30-nin , kuwaa oo iyana lagu dhax qabtay markan MV Ruen oo ay afduub u heesteen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com