Allbanaadir.com
NEWS

13 heyaddo caalami ah oo ka digay talaabo halis ah oo Israel qorsheyneyso

War qoraal ah oo ay saxiixeen 13 ka mid ah hay’adaha samafalka iyo kuwa xuquuqul insaanka ee calamiga ah  ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo caalami ah oo degdeg ah oo lagu joojinayo Israa’iil inay sii kordhiso howlgallada militari ee Rafah.

Haddii aan la joojin, heyaduhu waxay ka digayaan,wax ka daran cawaaqib xumada bini’aadantinimo ee horeyba uga dhacday koonfurta ugu xigta Gaza.

Hay’adaha – oo ay ku jiraan Save the Children, Amnesty International iyo Oxfam International waxay hoosta ka xariiqeen musiibo ka dhalata hawlgallada milatari ee Israel ee Rafah oo sii socda inkastoo  dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacay xabbad-joojin degdeg ah iyo tallaabooyin dheeraad ah oo ku-meel-gaar ah oo ka yimaada Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda,.

Weerarada dhulka ah ee Israa’iil ay ka waddo magaalada Rafah ee Gaza ayaa halis ku ah nolosha in ka badan hal milyan oo rayid ah, kuwaasoo intooda badan ku barokacay iyaga oo haysta adeegyo kooban oo muhiim ah oo aan lahayn meel ammaan ah oo ay gabaad ka helaan.

“Hay’adaha bini’aadantinimada iyo kuwa xuquuqul insaanka ayaa si isdaba joog ah uga digay in duulaanka dhulka ee Israel ee Rafah uu keenayo inuu baaba’o gargaarka naf-badbaadinta ee in ka badan 1.3 milyan oo rayid ah, oo ay ku jiraan ugu yaraan 610,000 oo carruur ah, kuwaas oo hadda ku jira safka tooska ah ee dabka ” sida lagu sheegay bayaanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay maqnaanshaha qorshaha daadgureynta rayidka. Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, Israa’iil waxa ay ku qasban tahay in ay xaqiijiso bedqabka iyo fayoobida dadka rayidka ah ee barakacay, haddana ma jiraan meelo ammaan ah oo ka jirta Gaza gudaheeda iyo bannaankeeda, ayaa lagu yiri bayaanka.

Related posts

Daawo Sawirada : Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho oo xaalkooda lala tacaalayo iyo Cumar Filish oo booqday

Cabdi Cade

Gaari ay la socdeen ciidamada Kenya oo miino ay kula kacday degaanka Haluuqa

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo Muqdisho soo gaaray iyo Xog ku aadan ujeedka Socdaalkiisa (Sawirro)

Cabdi Cade