Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo caawa arrin yaab leh awgeed jidad muhiim ah loogu xiray (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhiirigeliyey maalgashiga ay ganacsatada Soomaaliyeed ka sameynayaan dalkooda, xili uu xarigga ka jarayey suuqa LC WAIKIKI, oo laga hirgeliyey Muqdisho.

Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay la socdeen masuuliyiin kale ayaa sheegay in kobaca ganacsiga caasimadda uu aas-aas u yahay xasilloonida amni ee ka hirgashay Muqdisho, taas oo ku dhiirri-gelinaysa ganacsatada Soomaaliyeed in ay aaminaan maalgashiga dalkooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka soo dukaameystay suuqan casriga ah, ayaa ammaanay ganacsatada ka hirgelisay suuqan caasimadda, taas oo muujinaysa in ganacsiyada caalamiga ah ay dib ugu soo laabanayaan dalka.

Raisul Wasaaraha ayaa munaasabadan awgeed caawa loo xiray muddo saacado ah wadooyin muhiim ah sida Maka Al-Mukarama, KM4, Zoope illaa nawaaxiga isgoyska Banaadir kuwaasoo isku xira Villa Somalia iyo goobta ganacsi ee uu xariga ka jarayey.

Xiritaanka wadadan oo ah mida ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeelatay shacabka degmooyinka Muqdisho qaarkood oo cagtooda maalayey sidoo kale waxay saameysay goobaha ganacsiga ee jidkaas ku teedsan ka dib markii ay soo gaari waayeen dadkii ka dukaameysan lahaa munaasabada ciida awgeed.

Inkastoo aysan dood ka taagneyn in la sugo amniga haddana dadka intooda badan waxay arrin macno daro ah ku tilmaameen in shacabka jidadka looga xiro xayeysiin, dukaameysi iyo xarig jar loo sameynayo goob ganacsi oo gaar ah loo leeyahay iyadoo lagu jiro bil Ramadaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Madaxweynaha Iran oo weerar afka ah ku qaaday Golaha Ammaanka

Cabdi Cade

(Akhriso) Todoba qodob oo laga bartay doorashooyinkii Gudoonka labada Aqal.

Caydiid Ali

Ruushka oo ka hadlay sababta uu duqeymaha ula beegsaday dekeda Magaalada Odesa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---