Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Danjire Maxamed Sheekh Isaaq oo laga gudoomay Warqadaha aqoonsiga

Wasaaradda arrimaha Debadda Koonfur Afrika ayaa Nuqul ka mid ah warqadda Aqoonsiga ka gudoontay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u magacowday dalkaasi.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Dalkaasi Koonfur Afrika ayuu Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo ay wehliyaan Diblomaasiyiinta safaaradda waxaa uu ku wareejiyay warqadaha Aqoonsiga ku simaha agaasimaha protocol-ka ee wasaarada Arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika.

Labada masuul ayaa isla soo hadal qaaday xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dowladood ee soo jireenka ah iyo sido kale dhinacyada u baahan in iskaashi laga sameeyo.

Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo ka mid ahaa danjireyaal ay dhowaan dowlada Somalia u magacowday safaaradaha dibeda ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda warqadihiisa danjirenimo gudoonsiiyo madaxweynaha Koonfur Afrika.

Related posts

Siciid Deni oo si kulul uga hadlay Weerarkii Boosaaso fariin adagna diray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Australia oo qaadeysa talaabo ka dhan ah Israel

Caydiid Ali

Gaas oo shaaciyay goobta kaliya ee doorasho hal qof iyo hal cod ay ka dhici karto xiligan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---