Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo qaaday tallaabo kale ay ku xumeeneyso DFS lana shirtay Puntland (Sawirro)

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mesganu Arga, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer wasiir ah oo ka socday dowlad goboleedka Puntland , wafdigaa uu hoggaaminayay  Wasiirka Maaliyadda Puntland, Mohammed Farah Mohammed.

Wadahadal ay yeesheen wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo wasiiradda ka socday Puntland ayey uga wada hadleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Puntland ayaa ku nuux-nuux saday xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga ay Itoobiya la garab taagan tahay, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada.

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda cusub ee Puntland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya, iyagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Safarkan wasiiradda Puntland ku tageen dalka Itoobiya ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Puntland dhawaan shaaciyeen in ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka, waxa ayna tallaabadan Puntland qaaday u muuqataa mid wiiqeysa qarannimada Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaana shirkan ay la yeelatay wasiiradda ka socda maamulka Puntland u muuqda mid ay ku xumeeneyso dowladda Federaalka oo xiriir xun kala dhaxeeyo, sidoo kale soo dhaweesaneyso maamulka Puntland oo khilaaf kala dhaxeeyo ee DFS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowladda Kenya oo raali-gelin ka bixisay dhacdadii uu danjire Tarsan ka carooday

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Britain oo Hor marinaya Iskaashiga ka dhaxeeya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Akhriso :Barnaamijka Siyaasadeed ee Ra’isul Wasaare Xamse Barre dalka ku maamulayo

Cabdi Cade