Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil oo doonaya in uu xiro Telefishin caan ah oo dhuunta u galay

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya waddamada caalamka iyo hay’adaha xaquuqda aadanaha u dooda, kaddib markii uu kordhiyay xasuuqa sacabka Falastiin iyo sidoo kale dilka dadka gar gaarka ka shaqeeya.

Dhibaatada Israa’iil ka geesatay dhulka Falastiin gaar ahaan magaalada Gaza ayaa noqotay mid aan qarsooneyn, waxaana daqiiqad iyo saacad kasta tacadiya Israa’iil ka geesaneyso dhulka Falastiin si toos ah u baahiya Telefishinka Al Jazeera ee laga leeyahay Qatar.

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu albaabada isugu dhufan doono xafiiska uu telefishanka Aljazeera ee laga leeyahay dalka Qatar,  waxa uuba uga gon leeyahay in Tv-gaasi awood u yeelan waayo baahinta wararka Falastiin.

Netanyahu  ayaa sheegay in raacayo sharci cusub oo ay soo saartay Israa’iil, kaas oo xukuumadda awood u siinaya inay tallaabo ka qaaddo hay’adaha warbaahineed ee ajnebiga ah ee halista ku noqda amniga qaranka ee dalkaas.

Israa’iil ayaa marar badan ku fashilantay in ay xirto telefishinka Al Jazeera xaruntiisa Israa’iil, waxa ayna ciidamada Israa’iil marar badan gudaha Falastiin ku dileen wariyaal, muuqaal duubayaal iyo shaqaale kale oo katirsan telefishinka caalamiga ah ee Al Jazeera.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo War kasoo saaray geerida Bashiir Axmed Kacaan

Cabdi Cade

Xiliga dib loo furayo kulamada Baarlamanka Soomaaliya oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Biden oo canaantay Netanyahu ka dib dilkii Samafalayaasha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---