Allbanaadir.com
NEWS

Muhaajiriin ku dhex geeriyootay gaari lagu soo qariyey iyo kuwo la soo badbaadiyey

Booliska dalka Türkiye waxay sheegeen in maydadka 2 qaxooti reer Afgaanistaan laga dhex helay gaari nooca booyadlaha shidaalka, halka 52 kalena lagu qabtay hawlgalkaasi oo shalay oo Axad ahayd ka dhacay magaallada Gaziantep ee dalkaasi.

Wararka booliska dalka Türkiye laga helayo ayaa tilmaamayo inay labo qof ku caburmeen gudaha gaariga booyadlaha, halka todobo qof oo kalena ay xaallad khatar ah ku jiraan oo la daweenayo.

Booliska waxay xireen saddex qof oo uu ka mid ahaa dareewalka gaariga booyadlaha, halka 43 qaxooti reer Afghanistan oo la qabtay loo gudbiyey xarumaha lagu hayo dadka shisheeyaha ee laga soo tarxiilayo dalka Turkiye.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiye waxay sheegtay in la xiray Kumanaan qaxooti oo kasoo jeeda dalka Afghanistan, kuwaasi oo badankooda loo masaafuriyey dalkooda hooyo.

Sannadkii la soo dhaafay ee 2023-kii waxay hay’addaha ammaanka Turkish-ka qabteen 68,687 muhaajiriin oo ka soo jeeda dalka Afghanistan, kuwaasi oo si sharci-darro ku joogay dalkaasi.

Si kastaba, tiro-koobka rasmiga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiye waxaa lagu muujiyey inay in ka badan 300,000 oo qaxooti reer Afghanistan ku nool yihiin gudaha dalka Turkiye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Somalia oo Faahfaahisay Ergayga loo Magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Waxa uu qabanayo

Cabdi Cade

Mid ka mid ah difaacayaasha xuquuqda aadanaha Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Nederlands [Sawirro]

admin

Shirkadda Dahabshiil haaf Milyan dollar ku wareejisay guddiga Gurmadka Qaran (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---