Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno badan oo kasoo goostay kooxda Al Shabaab

Ciidanka hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Hay’adda NISA ayaana soo bandhigtay 10-xubnood oo katirsanaa dagaalyahannada Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca jabhada iyo xisbada, waxa ayna raggan siyaabo kala duwan isugu soo dhiibeen ciidanka NISA.

Qaar kamid ah dhallinyarada Al Shabaab kasoo goosatay ayaa sheegay in ay u adkeesan waayeen dhibaatooyin ay sheegeen in kooxda ka dhax jirto, waxa ayna ugu baaqeen dhallinyarada kale ee Al Shabaab kamid ah in ay kasoo tagaan kooxdaasi.

Dowladda ayaa marar badan soo bandhigtay xubno la sheegay in ay kasoo goosteen kooxda Al Shabaab , kuwaa oo la geeyay goobo dhaqan-celin ah oo lagu xareeyo dagaallamayaasha kasoo goosta Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar oo jawaab caro leh ka bixisay baaqa la xiriira in la baaro geeridii Mursi

Caydiid Ali

Doorashada Madaxweynaha & Ku-xigeenka Puntland oo goor dhow bilaabaneysa

Caydiid Ali

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Ballanqaad ka helay Safiirka dowladda Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---