Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qoor Qoor oo goordhaw gaaray Degmada Ceeldheer

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qeyb ay ka yihiin madaxweynaha Galmudug, xildhibaano, wasiirro, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa goordhaw gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo Madaxweynaha uga sii horreeyay Ceeldheer ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay, waxaa sidoo kale wafdiga madaxweynaha soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada Ceeldheer.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaana la hadlaya saraakiisha ciidanka jooga degmada Ceeldheer iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa uuna Madaxweynaha mar kale ku boorinayaan in ay dagaal hor leh la galaan Al Shabaab.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ku tagay degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer oo katirsan Galmudug ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda ka baxeen deegaanno horey Al Shabaab uga saareen haddana halis ku jiraan degmooyinkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Aragtidiisa Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada

Cabdi Cade

Aktarka caanka ah ee Sanjay Dutt oo ay qabsatay dhacdo si weyn looga hadal hayo caalamka

Caydiid Ali

Wasiirka Warfaafinta Lubnan oo digniin telefon ka helay Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---