Mudo Xileedka Madaxweynaha Inta Horumarintiisa Diidan Ha Dul Qaataan Sanooyin Kooban
Soomaaliya waxey maanta go’aan gobonimo leh ay dib ugu qaadatay qarni kadib marka ay xoreysay dastuurka dalka u degsan ee dadka lagu xukumayo, kaas oo laga xoreeyey maskaxdii isticmaarka faashiistaha Talyaniga ahayd iyo kuwa ay maanka ka gumeysteen oo Soomaaliya mudada dheer ku sii hayey iney ku dhaqanto dastuurkii uu Faashiistaha Talyaniga u dejiyey Soomaaliya in lagu sii xukumo qarniyo badan si ay Soomaalidu ugu sii jirto gumeysiga cusub oo sida dadban maskaxdooda loogu maamulayo, laguna dhalanrogayo dhaqan-dhaqaalaha siyaasadda bulshad.
Soomaaliya markii la gumeysanayey waxaa loo qorsheeyey gumeysi salka ku haya shan xidid oo ay adag tahay in hal mar la wada helo caqligii looga gudbi lahaa in la wada xidido siibo, waxaana banaanka dadka uga wada muuqdey hal mid oo ay dhexdiisu ishoodu wada qabaneysey, balse ay isla midkaas ku qarsooneyd in jiridiisu ay ahayd mid dib ugu noqoneysey iney tahay mid ku duugan dhulka hoostiisa, waxaana si qarsoodiya ula duugnaa afar xidid oo fogaan ma aragto ah, wuxuuna qorshaha xeeladaas uu ka turjumayaa in Soomaaliya ay qarniyaal badan la gebi dhacleyso ismaamulideeda madaxbanaan.
Soomaaliya waxey hanatay ismaamulid madaxbanaan oo ah xoriyad siyaasadeed oo dadka intiisa badan ay u muuqatay rabitaankeeda, waxeyna taasi ahayd halgan dheer oo ay ummaddu u gashay hanashada gobonimadeeda oo ay inta badan dadku u heysteen iney wax walba ku dhan yihiin helideeda oo uu dalku barwaaqoobayo, waxaana hayiin raacaas sababay garaadka aqooneed oo dadkeena ku yaraa oo ay wax walba kala weyneyd dareenkii iyo qiiradii ay u qabeen xoriyada siyaasadeed, taas oo kabaabyeysey dareenka shacabkii, kana dhigtay kuwo isdhigtay oo ku qancay gobonimada la hantay, iyagoo aan hubin kalsoonida ay ku qaateen madaxbanaanida siyaasadeed oo ahayd mid kala dhiman.
Cidina kama fekerin gobonimada caalamku gartay inaan dib u helno iney tahay mid gaasiran oo nusqaan ah, maxaa yeelay waxaa gacmaha naloo geliyey xoriyad siyaasadeed oo aan ku maamulaneyno nidaam dowladnimo oo aanan aqoonteeda siyaasadeed lahayn iyo dastuur aanan siyaasiyiin aqoon leh aysan dowladda ku maamuleyn, taas oo si feker la’aana ay siyaasiyiintii Soomaaliyeed qasab ugu noqotay iney qaataan qorshihii ay u dejiyeen isticmaarkii dalka gumeysanayey oo aan weliba lagu baraarugin dalku inuu ku jiro gumeysi cusub oo dadban.
Qorshahaas waxaa saldhig u ahaa dastuurka dalka loo dejiyey oo laga soo minguuriyey xukunkii faashiistaha Talyaaniga qaabkii uu kula dhaqmayey dalalka uu gumeystay, waxaana si dadban loo xanibey xoriyada fikirka iyo madaxbanaanida maskaxda oo looga baahnaa in Soomaalidu ay la timaado mabda’ siyaasadeed oo ay dowladnimadeeda si madaxbanaan ay isgu xukumeyso, waxaana siyaasiyiinta Soomaalida lagu indhosarcaadiyey lacag loo soo sameeyey iyo dhaqaalaha lagu socodsiinayey miisaaniyadda maamulka dowladda, waxaana halkaas lagu xakameeyey madaxbanaanida dhaqaale oo ka mid ahaa xidida duugan.
Waxaa dowladnimadii curatay lagu dhexbeeray kaadiriin uu horay isticmaarku uga dhigay kuwo ka sareeya shacabka intiisa kale oo uu mudnaan u siiyey darajooyin ka sareeya dadka intiisa kale, taas oo loogu abaal marinayey in awooweyaashood ay kala shaqeeyeen gumeystaha danahiisa isticmaarka uu dalkooda ku gumeysanayey, isla markaasna ay ahayeen adeegeyaal daacad ugu ahaa meelmarinta xukunka gumeystuhu ku hayey dadkooda, kuwaas oo dhaxal ahaan mudnaan loogu siiyey iney xukunka dalka qeybta ugu weyn ay ku yeeshaan, waxaana taas bedelkeed kuwaas loo abuuray in loo adeegsado iney kala shaqeeyaan mustaqbalka dhow iyo kan dheerba in kuwa awooweyaashood ay la soo dagaalameen gumeystaha iney ku ciqaabaan ineysan heyklaka sare ee dowladda aysan saameyn ku yeelan si aysan isbedel ugu sameyn qorshahooda qarsoon, waxeyna taas ay ka turjumeysaa xididka duugan ee madaxbanaanida bulshada lagu xanibayo.
Waxey goor dambe ay Soomaalidu ku baraarugtey in xoriyada ay heysato aysan ahayn mid dhameystiran oo aysan ku haysan madaxbanaani maskaxeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid qaanuun, iyo mid siyaasadeed, kuwaas oo dhamaantood ka turjumaya ineysan madaxda hogaamineysa Soomaalida aysan la tashi la’aan aysan si madaxbanaan u qaadan karin go’aano ay dadku qaadashadeeda xor u yihiin feker ahaan iyo mabda’ ahaan, kuwas oo ay ka mid yihiin: dalalka xiriirka xooggan lala yeelan karo, curinta hanaan dhaqaale oo isku filnaasho dalka u horseedi kara, iyo ka gudubida sharciyadii lagugu dabray oo dastuurka laguugu dejiyey.
Waxaan gobonimada maanta la helay hambalyo ugu geesnimo gelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo ku xigeenkiisa Raisulwasaare Mudane Xamze Cabdi Bare oo guul taariikhda Soommalidu xusi doonto maanta Sharaf iyo qadarin dheeriya ugu yeeshay iney noqdaan madaxdii Soomaaliyeed oo markii ugu horeysey isbedel casriya ugu sameeyey dastuurkii laga dhaxlay gumeystihii Faashiistaha Talyaaniga oo ay madax badan oo ka horeysey ay ku dhici weysey iney isbedel ku sameeyaan, waxeyna tilaabadaas dastuurka lagu turxaan bixiyey ay horsed u ahayd in dhagartii Tigreyga iyo xulafadooda Soomaaliyeed lala fahmey.
Waxaa Xildhibaanada labada aqal iyagana taariikhda u gashay iney Soomaaliya ka xoreeyeen dhanka sharciga iyo dastuurka caqabadii saarneyd mudo ka badan hal qarni, waxaana qadarin iyo qiimo mudan xildhibaanada labada aqal oo si geesnimo leh dadkooda ugu deeqay fursad ay sugayeen madaxbanaanideeda mudo aad u dheer, waxaana sidoo kale xusid mudan in shacabku uu abaalmarin doono kuwa marka ay dhibaato taagan tahay wax walba ka hormariya wanaaga maslaxadda ummadda, kana dhiidhiyey qorshihii Tigreygu ay haadaanta uga tureen midnimada iyo wadajirka ummaddeed ee Soomaalida iyo dhulalkooda.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raisulwasaaraha waxey mudo xileedkooda ku qaadanayaan sida ay u hormarin lahayeen nolosha shacabka Soomaaliyeed oo ay wax ka qabadkeeda ka bilabeen wanaajinta maamulka lagu xukumayo shacabka, waxaana aan shaki lahayn in dad badan oo garashadoodu hadda ka hoseeyso fahamka ku jira isbedelka lagu dhameystirayo dastuurka dalka u degsen, iney mastaqbalka dhow mahdin doonaan wanaaga guud ee uu xambaarsan yahay dhameystirka xoriyada dastuurka, kadib marka ay u dhamaato xilhaynta masuuliyiintaas curiyey dadaalada lagu soo nooleeyey dastuurka mustaqbalka dheer la jaanqaadi kara nolosha jiilasha soo socda.
Garashada caqliga badan waxaa lagu tilmaamaa ninka fahamsan macnaha nolosha uu qasadkeedu salka ku hayo, waxaana taas la mida qofka beeraya geed uu og yahay inuusan hooskiisa harsan doonin ama uusan miro ka guran doonin, waxeyna xikmadaas ka turjumeysaa biseylka siyaasiyiinta u dhabar adeygay isbedelka lagu casriyeynayo dastuurka, iyaga oo fahamsan ineysan waxtar gaara ka heli doonin ama uusan cimrigu ku simi doonin iney fursad u helaan wakhtiga dheer oo uu u baahan yahay in dastuurka dalka u degsan uu si rasmiya u hirgalo oo markaas kadib ay shacabku helaan xuquuqdiisa xoriyadeed oo dhameystiran.
Wax walba oo wanaagsan waa qasab in la helo kuwo diidan oo aan fahamsaneyn in horumarku yahay in la sameeyo isbedel oo aan isbedel la’aan aan horumar la gaari karin, dalkuna wuxuu si joogto ah ugu baahan yahay isbedel in lagu sameeyo dhan walba, balse haddii ay mucaaradnimadu salka ku hayso in madaxweynaha Soomaaliya uusan qaadan karin waajibaadka uu u xilsaaran yahay inta uu ku guda jiro mudo xileedkiisa, taasi waa cadowtinimo u baahan in laga barbaaro ee dulqaadka ha la badiyo sanooyinka soo socda, maxaa yeelay waxaa hadda la qaaday tilaabooyin bilow ah oo ay xigi doonto isbedelo isdabajooga oo xoriyada dastuurka ay albaabada u furi doonaan.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
saciidciise@aol.com