Allbanaadir.com
NEWS

Galmudug oo ku wareejisay Puntland nin gacankudhiigle baxsad ahaa oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada booliiska ee ka howlgala deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay nin la sheegay in uu yahay gacankudhiigle, kaa oo sannadkii hore deegaan  lagu magacaabo deegaanka Xero Jaalle oo katirsan Puntland dil kasoo geestay.

Ninka dilka ku eedeysan oo lagu magacaabo Cabduldeeq Khaliif ayaa lagu qabtay deegaanka Galinsoor ayaa loo soo wareejiyay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, halkaas booliiska Galmudug kusii wareejiyeen.

Taliska booliiska koonfurta Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaana ninka gacankudhiiglaha ah maanta ku wareejiyay taliska qeybta booliiska gobolka Mudug qeybta Puntland iyo guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa uga mahadceliyay maamulka Galmudug sida ay gacanta ugu soo dhigeen ninkan dilka ka geestay Puntland ee u baxsaday deegaanno katirsan maamulka Galmdug.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhaxeeya wada shaqeyn dhaow, waxa ayna marar kala duwan is dhaafsadeen rag dilal, dhac iyo dhibaatooyin kala duwan soo geestay oo baxsad ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo ka hadlay Guusha Ilhan Omar iyo Omar Fatah

Cabdi Cade

Baldoosarkii Mareykanka u leyn jiray Taliban oo hadda Daacad u noqday Taliban (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Madaxda iyo Odayaasha Dowlad Deegaanka Soomaalida (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---