Allbanaadir.com
NEWS

Wiil 15-sanno jir Muslim ah oo indha dunida soo jiitey lana siiyay abaabmarin (Sawirro)

Indhaha bulshada caalamka kunool , gaar ahaan kuwa Ruushka waxaa si weyn usoo jiitay wiil 15 sano jir muslim ah oo u dhashay dalka Krgystan ee ku yaal bartamaha Asia, kuna nool magaalada Moskow ee caasimadda dalka Ruushka.

Wiilkan oo magacaabo Islam Khalilov ayaa loo aqoonsaday halyey weyn , waxa uuna soo jiitay wiilkan warbaahinta iyo indhaha dad badan, kaddib markii uu badbaadiyay nolosha  dad ka badan 100 qof oo ku sugnaa tiyaatarkii weerarka ka dhacay ee Ruushka.

Halyeygan muslimka ah ayaa la sheegay in uu bad baadiyay nolosha dad badan oo halis ugu jiray , waxa uuna albaab dambe oo uu u furay kuna ilaaliyay dad argagaxsanaa oo ku sugnaa tiyaatarkii ay xoogga kusoo galeen koox hubeysan oo Daacish katirsaneyd.

Wiilkan Muslimka ah tallaabada uu qaaday ayaana si weyn usoo jiidatay dadweynaha Ruushka iyo warbaahinta ugu afka dheer dalkaasi, waxaana durba wiilkaasi loo aqoonsaday halyey qaran oo sabab in noqday in ay badbaadaan dad badan oo halis ku jiray.

Islam Khalilov ayaa mar la weydiiyey sababta uu ugu dhiirradey in uu dadweynaha samatabixciyo halkii uu ka carari lahaa, ayuu  sheegay in diintiisu fareyso in uu dadka dhiban u asxaan falo, taas oo wax weyn ka bedeshey aragtidii laga haystey Muslimiinta oo laga aaminsanaa argagixisonimo.

Geesigan Muslimka ah ayaa ficilkii uu sameeyay ee dadka badan soo jiitay ku helay billado qaali ah iyo lacago badan oo abaalmarino ah ay siiyeen dad kala duwan, dowladda iyo hay’ado , waxa uuna wiilkan sidoo kale helay casuumado iyo soo dhaweyno badan .

Kooxda heerka koobaad ee SCK Moscow ee uu taageero Islam ayaa ku casuuntay garoonkeeda wiilkan, waxa uuna la kulmay ciyaartoyda kooxda, waxa ayna kooxda siisay tikit uu sannadkan dhan ku daawan karo ciyaaraha kooxda garoonkeeda ku ciyaareyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka Wiil Soomaali ah oo laga helay jidka tareenada Magaalada Marburg

Caydiid Ali

Xabsi guri la galiyay Afhayeenkii Gobolka Banaadir iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Daawo: Qisadii Mucjisada laheyd & Xukunka iyo Cilimiga u lahaa Nabi Daud (Caleyhi Salaam)

admin
Taboola Ads ---