Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi la socda oo goordhaw gaaray degmada Xarardheere

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaluya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda oo isugu jira labada gole iyo saraakiil ciidan ayaa goordhaw gaaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socday waxaa degmada Xarardheere kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iyo sidoo kale qeybaha kala duwan bulshada degan Xarardheere.

Waxaa sidoo kale degmada Xarardheere gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxa ayna labada Madaxweyne barxad kutaalla degmadaasi kula hadleen dadka deegaanka iyo saraakiisha ciidanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidanka ee jooga degmada Xarardheere  iyo odayaasha degmadaasi, kuwaa uu kala hadli doono xaaladda degmada iyo sidii la isaga difaaci lahaa Al Shabaab.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socda ayaa sidoo kale la filayaa in ay gaaraan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ka socoto qaban qaabada soo dhaweynata madaxweynaha Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay maanta mid kamid ah furumaha dagaalka ayaa imaanaya xilli uu joogsaday howlgalladii ka dhanka ahaa Al Shabaab ayna ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka baxeen deegaanno dhowr ah ay horey ula wareegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Caro ka dhalatay Nin qaba Cudurka Aids oo xoog looga saaray Isbitaal (Daawo Sawirada)

admin

Mumina Eroba oo ugu dambeyn isku dhiibtay booliska Kenya & wiilkeeda oo la baadi goobayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Heshiis 10-qodob ka kooban oo maanta lagu kala saxiixday Xeraale (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---