Allbanaadir.com
NEWS

Xogta kulan dhexmaray Wasiir Biixi iyo danjire Joachim Waern (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan muhiim ah kula qaatay xafiiskiisa xarunta Wasaaradda Maaliyadda Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Mudane Joachim Waern.

Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isaga iyo Safiirka arrimo ay ka mid yihiin, qorshaha cusub ee dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud iyo hagaajinta xiriirada dhaqaalaha.

Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Mudane Joachim Waern ayaa dhankiisa balan-qaaday iney dowladiisu sii xoojineyso taageerada ay siiso Somalia, isagoo DF ku amaanay dedaalka ay ugu jirto sugida amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaaga.

Dowladda Sweden waxa ay ka mid tahay Dowladaha sida gaarka ah saaxiibka ula ah Dowladda Soomaaliya, waxaayna qeyb ka tahay Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ay ka fuliyaan Saaxiibada Caalamka.

Related posts

Faransiiska oo shaaciyey go’aan ka nixiyey Muslimiinta dalkaas ku nool

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si weyn ugu Mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Carabta

Cabdi Cade

Maamulka Somalilad iyo Shirkadaha Isgaariista oo gaaray Heshiis Wadaag ah (Sawirro)

Cabdi Cade