Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano badan oo loo ballanqaaday in wasiirro laga dhigayo iyo qorshaha Madaxweyne…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa olole xooggan iyo dedaal badan ku bixiyay sidii xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , si aqlabiyad leh ugu meel marin lahaayeen wax ka bedelka cutubyo katirsan Dastuurka.

Dad badan ayey shalay layaab ku noqotay in xildhibaannadii ka qeyb galay fadhigii labada Aqal ay dhammaan u codeeyeen wax ka bedelka afar cutub oo katirsan dastuurka, waxaana xildhibaannada codeeyay ku jira kuwa badan oo horey u diidanaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana shaqsi shaqsi iyo koox koox ula kulmay xildhibaannadii diidanaa ansixinta wax ka bedelka dastuurka, waxa uuna dhammaan ku qanciyay in ay ansixiyaan dastuurka ,isaga oo ballanqaadyo u sameeyay.

Sida aan xogta ku helnay Madaxweyne Xasan ayaa xildhibaannada uu la kulmay qaar badan oo kamid ah u ballanqaaday in uu waxiirro ka dhigayo, halka kuwa kalana loo ballanqaaday dad ay wataan in xilal laga siin doono dowladda.

Waxaa sidoo kale jira xildhibaanno iyana Madaxweyne ka qaatay kacago iyo kuwa baabuur aan xabadaha karin loo ballanqaaday in loo iibinayo, waxa ayna inta badan xildhibaannada sugayaan fulinta Madaxweynaha ballanqaadyadii uu u sameeyay.

Dadka siyaasada odorasa ayaa aaminsan in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan kasoo bixi doonin dhammaan ballamihii uu qaaday, waxaana daaqadaha laga xiran doonaa xildhibaanno badan oo maalmihii lasoo dhaafay u furnaa albaabka laga galo madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan ayey hadda u martay qorshihiisa meel-marinta wax ka bedelka dastuurka, waxa uuna maalmahan ka nasan doonaa buuqii siyaasadeed ee ku furnaa iyo waqtigii uu galiyay ololaha meel marinta cutubyada katirsan dastuurka ee la ansixiyay.

Xildhibaanno badan ayaana la arki doonaa iyaga oo isku bedelay mucaarad oo qeylinaya marka looga baxo ballamihii laga qaaday, waxaana caado u ah siyaasada Soomaaliya in madaxda ay qaadaan ballamo aysan oofineyn xilliyada ay ololaha ku jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fanaaniin Soomaaliyeed oo hees cusub ka sameeyey khatarta cudurka Covid-19

admin

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo caawa degmada Boondheere ka furay Barnaamij cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sheekh Shaakir oo hadal adag kula hadlay Odayaasha Guriceel oo Codsi ula tagay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---