Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Masjidka Xaramka oo beeniyay Qoraal laga faafiyay Sheekh Cabdirixmaan Sudays

Saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada gaar ahaan barta Facebooka, waxaa si weyn loogu baahiyay qoraal looga hadlayay habeenka Laylatul Qadriga oo lagu sheegayay in uu ka yimid Imaamka Masaajidka Barakaysan ee Makkah, Sheekh Cabdirixmaan Sudays

Qoraalkan Sheekh Sudeysi looga been abuurtay ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxa uuna ku saabsanaa fadtliga habeenka Laylatul Qadriga, waxaana dadka loogu sheegayay in si fudud habeenkaasi uga faa’iideysan karaan.

Nuxurka qoraalka sida weyn loo faafiyay ayaa lagu sheegayay in ajarka habeenkaasi heli karto haddaad bixiso lacag hal dollar ama ka badan , sidoo kale dukato labo rakco ama ka badan habeen kasta iyo in aad akhriso suuratul Ikhlaas saddex jeer habeen kasta.

Maamulka masajidada barakaysakan ayaa beeniyey farriinta la faafiyey ee loo tiiriyey Sheekh Sudeysi, waxa ayna qoraal ay soo dhigeen barta Facebook ee ‘Inside the Haramain’ lagu sheegay qoraalka la faafiyay in uu yahay mid been abuur ah uusan waxba ka jirin.

“Farriinta baahday ee baraha bulshada lagu faafiyay oo lala xiriiriyay Sheekh Cabdirixmaan Sudaysi oo ku saabsan 10-ka dambe ee Ramadaan , gaar ahaan Leylatul Qadriga waa khalad iyo mid sumcad dil ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sheekh Cabdul Raxmaan Al Sudays waa Imaamka Sare iyo Khatiibka Masjid Al Haram ee Makkah. Waxa kale oo uu yahay Madaxweynaha guud ee Arrimaha labada Masjid ee Barakaysan , isagoo darajada ahaan u dhigma wasiir gudaha boqortooyada Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cusmaan Dalmar Xaaji Yuusuf oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyey

Caydiid Ali

Shirweynaha Cilmi baarista Jaamacadda Himilo oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Gorgor oo howlgal qorsheysan ku dilay sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---