Allbanaadir.com
NEWS

KFC oo raaligelin ka bixisay cunsuriyad ay kula kaceen nin Naafo ah uu dhalay guddoomiye…

Caro aad u xooggan ayaa ka dhalatay fal cunsuriyad iyo xad-gudub ah oo maqaayada cuntada fudud caanka ku ah KFC, kula kacday nin dhallinyaro naafo ah oo damacsanaa in maqaayadooda cunto ka cuno.

Laan ay maqaayada KFC ku leedahay garoonka diyaardaha magaalada Lagos ee dalka Nageria ayaa lagu cunsuriyeeyay Adebola Daniel, oo ah wiil uu dhalay guddoomiyhii hore gobolka Gbenga ee dalka Nageria .

Qoraal uu ninkan naafada ah kusoo qoray bartiisa X ayuu ku sheegay in lagu cunsuruyeeyay maqaayada KFC laguna amray in uu ka baxo, waxa uuna sababta ku sheegay in lagu dhibaateeyay kaliya kursiga curyaamiinta uu watay darteed.

Markii uu qoraalkan baahiyay ninkan dhallinyarada ah ee qaba baahiyaha gaarka ah ayaa waxaa ka dhashay gudaha Nageria caro xooggan oo ka dhashay falka KFC ku kacday, waxa ayna dadka qaar dalbanayeen in maqaayadan laga mamnuuco Nageria.

Maamulka KFC ayaa ku qasbanaaday in ay bixiyaan raali-gelin deg deg ah, waxaa sidoo kale maamulka garoonka diyaaradaha ay ku dhax taalay maqaayadan ay xireen xarunta KFC uu ka dhacay falka cunsuriyada ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo qaabilay Max’uud Max’ed Xasan & wafdi uu horkacayo

Caydiid Ali

DF oo ka hadashay Go’aanka dowladda Kenya ku fasaxday duulimaadyadii Somalia

Caydiid Ali

Muslimiinta iyo Carabta Mareykanka oo qaatay go’aan ka nixiyey Madaxweyne Biden

Caydiid Ali
Taboola Ads ---