Puntland ayaa caawa shaacisay iney qaadatay go’aan adag oo ay ku sheegtay inay aqoonsiga kala noqotay Hay’adda Dawladda Federaalka, iyadoo go’aanka Puntland lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu lumiyey sharciyadii dastuuriga aheyd ee Madaxweynanimo.
Go’aanka Puntland ayaa waxaa uu jawaab u ahaa talaabadii Xildhibaanadda Labada Aqal ee baarlamanka Somalia ku anxsixiyeen Cutubka 1-aad ilaa Cutubka 4-aad ee wax ka bedelka dastuurka.
Go’aanka Dowladda Puntland oo caawa kasoo baxay Shir aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada maamulkaas Kaasi oo uu Shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Waxaa Warbaahinta la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Maxamuud Caydiid Dirir.
HOOS KA AKHRISO GO’AAMADA PUNTLAND;