Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Deni oo kormeer lama filaan ah ku tagay 11 xarumood oo ku yaalla Garowe

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray 11 xarumood  oo isugu jira Wasaarado iyo goobo kale oo ku yaalla magaalada Garowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane iciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Xafiiska Hanti dhowrka Guud iyo Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Wasaaradda Shaqada iyo Daryeelka Bulshada, Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

sidoo kale Deni, ayaa kormeeray Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta, Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Meelaha kale ee uu booqday Deni waxaa ka mid ah Xafiisyada Hay’adda Wadooyinka  Puntland (PHA) iyo Xarunta Wakaaladda Horumarinta Biyaha ee Puntland

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta xarumaha uu kormeeray, wuxuuna faray in la dardargeliyo adeegyada dowliga ah ee Bulshada loo hayo, si waafaqsan Siyaasadda iyo Qorshaha xukuumadda u yaalla, waxaana uu ku booriyay Madaxweynuhu masuuliyiinta Hay’addaas inay laba jibaaran shaqadooda, sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta xarumaha uu kormeeray qaarkood.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta xarumaha uu kormeeray, wuxuuna faray in la dardargeliyo adeegyada dowliga ah ee Bulshada loo hayo, si waafaqsan Siyaasadda iyo Qorshaha xukuumadda u yaalla.

Deni, ayaa sidoo kale maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiinta Wasaaradda.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo uga warbixiyey qorshaha dardargelinta dakhliga iyo shaqooyinka kale hanaanka Maaliyada lagu horumarinayo.

Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani.

Related posts

Magaalo kutaala dalka Mareykanka oo Aqoonsatay Maamulka Somaliland

Cabdi Cade

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Akhriso) Madaxweyne Biixi oo magacaabay guddiga ka hortaga cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---