Allbanaadir.com
NEWS

Beesha caalamka oo ku dhegan qodobo ka mid ah dastuurka & Xassan Shiikh oo talaabo qaaday

Saacado kahor intii aan la ansixin 4 cutub ee Dastuurka Soomaaliya, wakiilada caalamiga ah ayaa dood adag ka keenay qodobada la xariira qiyamka bulshada, gaar ahaana.

– Diinta Islaamka (Diin kale laguma faafin karro ayay diidan yihiin).

– ⁠Da’ada Qaangaarka (18 sano kayar lagama dhigi karro)

– ⁠Dilka ciqaabta (Dil Toogasho ah in meesha laga saaro).

Beesha Caalamka ayaa ku adkeysatay, in qodobadaas aan sidii ahaayeen loo deyn karin, oo ay qasab tahay in lagu laabto.

Hayeshee, madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddiga dibu eegista dastuurka ku amray in la qoro warqad lagu sheegay in qodobadaas dib loo eegayo Latashina lagalinayo, iyadoo Beesha Caalamka looga badalanayo in ay soo dhaweeyaan talaabadii Baarlamaanka qaaden, gaar ahaana qodobka doorashada qof iyo codka ah, oo ay 48 saac gudahood kusoo saarayaan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Related posts

Rooble oo ka hadlay Qoraalkii Farmaajo iyo Ciidanka xafiiskiisa la wareegay

Cabdi Cade

Muxuu yahay Markabka TCG Ütğm ee Muqdisho soo gaaray? (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaalo culus oo ka dhacay degaan hoos taga degmada Guriceel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---