Markaad dib u eegtid dowladihii soo maray dalka, waxaa kusoo baxaya in madaxwayne kasta oo la doortay ay isqabteen ra’iisul wasaarihii uu magacaabay (Abdiqasim Salaad-Ali Kh Galayr; Abdullahi Yusuf- Cali M.Geedi & Nuur Cadde; Shariif-Farmaajo; Hassan Sheikh Abdiweli iyo Saacid shirdoon iyo Mohamed Farmaajo oo ay isqabteen Kheyre & Rooble).
Isku dhaca madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Waxaa sabab u ah dhowr arimood: kala xadeyn la’aanta shaqooyinka, danaha shaqsiga ah ee madaxda gaar ahaan xilliga doorashada iyo khilaafka salka ku haya qabyaaladda ama goboleysiga. Intaas waxaa dheer, Madaxweynayaashii iyo ra’iisul wasaarayaashii dalka soo maray oo aan isku xisbi aheyn ama aan aheyn saaxiibo siyaasadeed.
Isku dhacyadaas dhex maray madaxwaynayasha iyo ra’iisul Wasaarayaasha waxay keentay in laga doodo qaabka loo baaqsan karo oo ay kamid tahay in laga guuro nidaamka Ra’iisul wasaaraha (ama barlamaaniga). ugu dambeyna baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ansixiyey in madaxweynaha uu magacaabi karo RW uuna ceyrin karo, taasi oo meesha ka saaraysa kaalintii baarlamaanka ee xil ka qaadista ra’iisul wasaaraha. Sidaas darteed, qormadaan kooban waxaan ku eegayaa faa’iidooyinka iyo caqabadaha ka dhalan kara qodobkaan la anxisiyey.
Ansixinta qodobkaan waxay u muuqataa in laga faa’iidayo laba arimood. Midda koowaad waa xasillooni maamul iyo siyaasadeed. Awoodda la siiyey madaxaweynaha ee ah xil ka qaadista RW waxay ka dajinaysaa culayskii kaga imaan jiray barlamaanka, wuxuuna sidoo kale ka maarmayaa taageeradii uu baarlamaanka ka raadin jiray xilliyada magacabidda iyo xil ka qaadista RW. Midda labaad waa helidda RW shaqeyn kara oo xirfadle ah. Qodobkan wuxuu RW ka yareynayaa culayskii baarlamaanka; wuxuuna fursad u helayaa inuu waqti geliyo howlaha dowladnimada iyo la shaqeynta madaxwayne heysta go’aan ka gaarista shaqadiisa.
Dhanka kale, waxaa ka dhalan kara labada caqabadood. Midda koowaad, dhaqan galka qodobkaan wuxuu hoos u dhigi karaa saameynta gudoomiyaha baarlamaanka, taasi oo si dadban u saameyn karta isku dheelitirka saami qeybsiga siyaasadeed ee dalka. Sababtana waxaa weeye xil ka qaadista RW waxay u aheyd Gudoomiyaha baarlamaanka aalad gorgortan siyaasadeed (Nuclear Option).
Caqabadda labaad, qodobkan wuxuu meesha kaa saarayaa kaalintii RW ee xakameynta damaca madaxwaynayaasha ee xilliga doorashada. Tusaale, Soomaaliya waxaa soo martay dhowr jeer oo uu madaxweyne isku dayey muddo kororsi laakiin RW ayaa ka badbaadin jiray maadaama uu RW leeyahay awoodda xil gaarsiinta. Hadda, waxay u muuqata in awooddaas ay meesha ka baxday maadaama uu madaxweynuhu ceyrin karo RW markuu rabo, taasi oo laga yaabo inay mustqabalka fog si gaar ah u saameyso dadka daggan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Ug dambeyntii, tallaabo kasta oo la qaado waxaa ka dhasha faa’iidooyin iyo culayso. Laakiin, waxaa asal ah in markasta la isku barbardhigo faa’iidada iyo culaysyada, lana qaato midda culayskeedu uu yaryahay. Sidaas darteed, isbedel kasta ee lala doonayo Soomaaliya waa in saldhig looga dhigaa xasillooni siyaasadeed iyo wanaajinta nolol maalmeedka muwaadinka Soomaaliyeed.
Waxaa qoray:
Dr. Ahmed Khadar Abdi Jama