Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Cali Kheyre iyo siyaasiyiin kale oo qaadacay Wax ka bedelka Dastuurka KMG

Ra’isul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Kheyre , Cumar Cabdirashiid iyo  xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal wadajir ah ay soo saareen ku qaadacay go’aankii xildhibaanada ku ansixiyeen wax ka bedelka afar cutub oo dastuurka katirsan.

Qoraalka ay soo saareen musharaxiintan Madaxweyne ayey ku caddeeyeen in ay qaadacsan yihiin dastuurka cusub ee la ansixiyay, waxa ayna shaaciyeen in ay aqoonsan yihiin dastuurkii hore ee KMG ahaa.

“Madaxweynuhu wuxuu dalka u horseeday qalalaase iyo hubanti la’aan siyaasadeed, wuxuu qalqal geliyey geedi socodkii dib u heshiisiinta iyo dawlad dhiska, wuxuu dhaawacay is aaminaddii iyo kalsooni dhiskii ummadda, wuxuu dalka u sameeyey laba dastuur oo muran iyo mugdi gelinaysa sharciyadda Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dastuuriga ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo Hawada sare ku xiray Youtuber Caan ah iyo Sababta loo xiray oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Guddiga Diiwaangelinta Axsaabta Siyaasadda oo Muuse Biixi lagu hor dhaariyey (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Magacaabay guddi ka kooban Wasiiro & Saraakiil (Sawirro)

Caydiid Ali