Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo ammaan iyo boggaadin isugu daray xildhibaannada labada Aqal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Baarlamaanka Jamhuuriyadda gudahada waajibaad kooda Qaran, isaga oo sidoo kale boggaadiyey labada guddi ee Dastuurka, kuwaas oo juhdi badan geliyey sidii dalku u yeelan lahaa dastuur dhammeystiran.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in ansixinta wax-ka-beddelka afarta cutub ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadan taariikhiga ah ay qeyb ka tahay fulinta ballan-qaadyada Xukuumadda ee la xiriiray dhammeystirka Dastuurka, si talada dib loogu celiyo dadka Soomaaliya oo ay u soo doortaan hoggaankooda.

Xukuumadda DanQaran ayaa muddo gaaban ku xaqiijisay guulo waaweyn oo wax badan ku soo kordhinaya hannaanka Dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin, Deyn Cafinta, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Ku Biirista Suuqa Bariga Afrika, xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo tallaabada maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS.

Related posts

Jen. Xijaar oo amar culus siiyey taliyeyaasha Saldhigyada ciidanka Booliska Muqdisho

Caydiid Ali

Wasaaradda Difaaca Somalia & Saraakiil Caddaan ah oo ka wada hadlay qorsheyaal Milateri (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Duqeymo aargoosi ah oo loo geystay 10 Magaalo oo ka tirsan Ukarine (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---