Allbanaadir.com
NEWS

Shirkadda dayuuradaha ee Emirates oo beenisay war ka soo baxay Somaliland

Shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airlines ayaa been abuur ku tilmaantay in mid ka mid ah diyaaradooda ay shil ku sigatay iney hawada Soomaaliya shil ku gasho

Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland ayaa laba maalin ka hor sheegtay in qalad ay galeen hagayaasha diyaaradaha ee garoonka Muqdisho ay sababi gaartay in ay isku dhacaan laba diyaaradood, oo ay leeyihiin Emirates Airlines iyo Ethiopian Airlines.

Afhayeen u hadlay Emirates Airlines oo la hadlay wargeyska Gulfnews ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warka la xiriira sigashada isku dhaca labada diyaaradood.

Wuxuu tilmaamay in diyaaradaha Emirates Airlines ay leeyihiin nidaam ka ilaalinaya inay galaan khadka ay ku jiraan diyaaradaha kale, sida u ku warramay.

Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ee SCAA  ayaa dhankooda laga soo xigtay in aysan jirin wax qaladaad dhankooda ah oo sababi gaaray isku dhaca diyaaradaha, iyagoo intaa ku daray in labada diyaaradood ee la sheegay in ay isku dhici gaareen aysan isku jiho u socon, iyagoo warka ka soo baxay Somaliland ku sifeeyey dacaayad raqiis ah.

Related posts

Fanaan hurdo la’aan ku riday Madaxweyne Musaveni oo Maxkamad la soo taagay

Caydiid Ali

Aabihii Taalibaan Maulana sami Al Xaq oo gurigiisa lagu dhax dilay

Cabdi Cade

Qaybta 1 aad :-Xal ma Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada Qore:- Mohamed Abdi Adan -Xoosh

admin
Taboola Ads ---