Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Al-Shabaab oo gacanta ku dhigtay dayuurad Drone ah oo ku dhacday..

Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Diyaarad Drone ah, gaar ahaan nooca wax basaasa oo kusoo dhacday degaan ka mida Gobolka Hiiraan oo u dhow degmada Buuloburte.

Diyaaradan oo ay ku xiran yihiin Kaamerooyin waaweyn ayaa sawirro Alshabaab kasoo qaadeen oo la faafiyey ay muujinayaan inay iskeed u dhacday, iyadoo aan la ogeyn cidda leh.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Diyaaradan ay leedahay dowladda Mareykanka, iyadoo isla markii ay Dhulka kusoo dhacday ay la wareegeen Alshabaab.

Diyaaradaha Drone ee wax basaasa ayaa ka howlgala Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan degaanada ay ku sugan yihiin Alshabaab, waxayna hore Alshabaab u soo bandhigtay qaar ka mida oo kusoo dhacay degaanada ay ka taliso.

Related posts

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo maanta loo qeybiyay Xoolo Nool  (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wadankii Afaraad oo Carab ah oo heshiis rasmi ah la gaaray Maamulka Isra’il

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Al Shabaab oo Caawa weerar ku qaaday Dhuusomareeb iyo Rasaas …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---