Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Dowlada Somalia oo labo qodob oo xasaasi ah kala hadashay Shiinaha

Wasiirka difaaca Soomaaliya iyo danjiraha dowladda shiinaha u fadhiya dalkeenna ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca labada dal.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane FEI Shengchao ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshey kulan looga hadalay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka ayaa ka mahadceliy garab istaagga iyo taageerada dowladda iyo shacabka Shiinaha ee Soomaaliya, isaga oo xusay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeenna mudane  FEI Shengchao ayaa sheegay in Soomaaliya ay dalkiisa ay u tahay saaxiib istaraatiiji ah oo uu kala dexeeyo xiriir soo jireen ah, isaga oo ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada ay ugu jiraan xoreynta, xasilinta iyo xaqiijinta hannaanka dowladnimo.

Related posts

Haweeney Doolsho si anshax daro ah u sameesay oo la xiray iyo Hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade

Waare oo Dhagax Dhig sameeyay iyo Jaamacad lagu wareejiyay Dowlada (Sawirro)

Cabdi Cade

Ruushka oo soo bandhigaya Taangi noociisa aan horey loo arag & hub kale oo casri ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---