Waxaa maanta xukun dil ah degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud lagula fuliyay labo nin oo lagu helay in dilal bareer ahaa u geesteen labo qof oo shacab ahaa , kuwaa oo maalmo kahor maxkamadda gobolka Galgaduud xukunno dil ah ku riday.
Fagaare kuyaalla bannaanka degmada Caabudwaaq ayaa lagu toogtay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo maalmo kahor dil bareer ah ugu geestay Caabudwaaq Wariye Samafale Cabdikariin Axmed Bulxan.
Waxaa sidoo kale xukun dil ah isna lagu fuliyay maanta Axmed Cabdi Cismaan oo isna lagu helay sidoo kale qirtay in dil bareer ah degmada Caabudwaaq ugu geestay marxuum Bashiir Hurre.
Fagaaraha toogashada ka dhaceysay waxaa ku sugnaa masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka degmada Caabudwaaq, maxkamadda gobolka Galgaduud, ehelada ragga la tooganayay iyo ehelada marxuumiinta iyo dadweyne kale.
Shacabka ku dhaqan degmada Caabudwaaq ayaana soo dhaweeyay in xukun dil ah lagu fuliyo of kasta oo dil bareer ah geesta, waxa ayna xuseen in xukunnadan meesha ka saari doonaan dilalka sida micno darrada ah u dhici jiray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com