Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo gaba gabeysay la tashiga Xisbiyada Dalka (Sawirro)

Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa soo gabogabeysay latashi ku saabsan Qabyo Qoraalka Sharciga doorashada, waxaana ka soo qeybgalay Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadda ee ka jira dalka, kuwaa oo soo gudbiyey Talooyinkooda ku aadan sameynta Sharciga doorashada Dalka.

Inta uu socday Shirkaan ayaa waxaa ka hadlay Madaxda Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadda waxa ayna soo dhaweeyeen Talaabada wanaagsan oo ay qaaday Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta oo ay kula tashaneyso Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadda ee ka jira Dalka si ay ugu muuqato kaalintooda ku aadan sameynta Sharciga Doorashada ee la rabo in lagu maamulo doorashada ka dhici doonto dalka 2020-ka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Eng Cabdi Maxamed Sabriye ayaa soo dhaweeyey Talooyinka ay soo gudbiyeen Madaxda Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadda Dalka

 ”Waxaa inoo muhiim ah in ay qeyb ka noqdaan Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadda Sameynta Sharciga Doorashada Dalka, oo ayna ku yeeshaan Talooyinkooda ku aadan Sameynta Sharcigaan Maadaama Sharcigaan Muhiim u yahay Doorashada Dalka 2020-ka” Ayuu yiri Wasiirka

 Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta oo muddo badan ka soo shaqeeneysay Sharciga doorashada ee 2020-ka ayaa waxa ay kala soo tashatay dhammaan Hey’addaha Dowladda oo ay quseyso arimaha Sharciga oo ay ka midyihiin Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka Wasaaradda Cadaalada.

Sharciga Doorashooyinka ayaa lagu wadaa in la soo gabogabeeyo sameyntiisa dhammaadka Sanadkaan 2018-ka iyada oo la rabo in la marsiiyo Golaha Wasiirada kadibna ay ansixiyaan Golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo baco lasoo galiyay oo caawa Muqdisho iyo Booliiska oo war kasoo saaray

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Wararkii u dambeeyey dagaalka Gaza iyo ciidamada Israel oo..

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday deegaanka Ceel-lahelay iyo Dagaal culus oo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---