Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo codsatay in la aqoonsado si ay ula dagaalamaan Burcad-badeeda iyo Argagaxisada

Maamulka Somaliland ayaa dedaal badan ku bixinaya sidii ay u heli lahaayeen aqoonsi ay ku helaan dowlad madax-bannaan, waxa ayna marar badan waddamada caalamka ka codsadeen in ay u aqoonsadaan dowlad gaar ah.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah eeĀ  Somaliland, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in biyaha Somaliland aysan ka jirin burcad-badeed ayna tahay marin nabad ah.

Waxa ay sheegtay in sheegtay in Somaliland ay ahmiyad weyn siinayso bedqabka iyo ilaalinta baddeecadaha ganacsi ee caalamiga ah ee maraya gacanka Cadmeed, gaar ahaan maraakiibta sida shiidaalka iyo gaasta, si looga ilaaliyo burcad-baddeeda iyo argagixisada.

Wasiir Roodo Jaamac ayaana ka codsaday waddamada caalamka in Somaliland u aqoonsadaan dowlad ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale, si ay ula dagaallamaan burcad-badeeda iyo argagaxisa dhibka ku haya qeybo kamid ah geeska Afrika.

Rooda Jaamac waxa ay ku boorisay dalalka caalamka ee danaynaya muhiimada marinka gacanta Cadmeed in ay wax ka beddelaan siyaasadooda,kana shaqeeyaan inay xiriir wax ku ool ah la yeeshaan Somaliland oo ay yaqiinsadaan aqoonsiga madax-bannaanideeda.

Ugu Dambeyn wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa ka digtay cawaaqib-xun oo ka dhalan karaĀ  saameyn xuna ku yeesha geeska Afrika, haddii waddamada caalamka ay dayacaan aqoonsiga Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mo Farah oo guuldaro lama filaan ah ka keenay orodka Maratonka London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mid kamid ah Imaamyada Masjidka Xaramka oo la xiray iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---