Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada Somalia oo yeeshay kulan deg deg ah oo lagu ansixiyey..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay naga caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba, si ay ummadda Soomaaliyeed uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha horkeenay heshiiska, ayaa tilmaamay in uu heshiiskani Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyo inaan ka maarano deeqadaha caalamiga ah, isaga oo xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in Shidaalka dalka la soo saaro, maadaama ay haatan dunida ka gudbayso shidaal, una gudbayso isticmaalka Tamarta.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu meelmariyey Wax ka beddelka Hindise Sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada iyo Xeer nidaamiyaha Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka.

Related posts

(Sawirro) Muuse Biixi oo qaabilay Orodyahanada Mo Farah & Nageeye oo gaaray Hargeysa

Caydiid Ali

Masuuliyiin iyo Taliyaal Ciidan oo caawa ku afuray Suuqa Bakaaraha (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Kenya oo Yurub u jooga si uu dadkiisa ugu soo helo 20 kun oo shaqo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---