Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Shaqaalaheeda ku amartay in ay sameeyaan jimicsi oo dhimaan miisaankooda !

Dowladda Uganda ayaa soo saartay amar ku socda shaqaalaha kala duwan ee dowladda, waxaana la faray in ay sameeyaan jimicsi joogto ah si ay u dhimaan miisaankooda ugana taxadaraan caafimaadkooda.

Amarkan ku socda shaqaalaha dowladda Uganda oo lagu xusay warqad dowladda kasoo baxday loona qeybiyay hay’adaha dowladda ayaa lagu sheegay in tani ay caawineyso badqadka shaqaalaha ayna yareyneyso cudurrada.

Dowladda ayaa sheegtay jimicsiga iyo aalmiitada qofka sameeyo ay wax badan ka tareyso bad-qabka caafimaadka qofka, loogana baahan yahay shaqaalaha in nafsadooda ka taxadaraan ayna sameeyaan jimicsiga .

Madaxa adeegga dadweynaha ee dalka Uganda, Lucy Nakyobe ayaa qoraalka ay dirtay ku sheegtay in jimicsiga miisaanka lagu dhimayo caawin doonaan badbaadinta nolosha shaqaalaha iyo dhimista cudurada culeyska ka dhasha

Amarkan cusub ee kasoo baxay dowladda Uganda  ayaa imaanaya kaddib markii qiimeyn qaran oo la sameeyay ay muujisay in heerka cayilka dalkaasi uu kor uga kacay 17% ilaa 26% 17-kii sano ee lasoo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Maraykanka oo duqeyn dhimasho badan geysatay ka fuliyey duleedka Kismaayo

Caydiid Ali

Tirada Musharaxiinta u taagan Xilka gudoonka Baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyay

Cabdi Cade

RW Khayre oo guddoomiyey Shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---