Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka iyo kooxda Real Madrid Antonio RĂ¼diger ayaa dacwad sumcad dil ah ku soo oogay wariye ku eedeeyay inuu taageeray xagjirnimada Islaamka.
Daafaca xulka qaranka Germany iyo kooxda Real Madrid ee Antonio RĂ¼diger iyo xiriirka kubbada cagta Germany ee DFB ayaa bilaabay dacwado dhanka sharciga ah oo ka dhan ah tafatirihii hore ee wargeyska BILD kaas oo ku eedeeyay ciyaartoyga inuu taageero u muujiyay xagjirnimada islamka ah qoraal uu soo dhigeen bartiisa bulshada bilashadii bisha Ramadaanka.
Antonio RĂ¼diger ayaa ah Muslim ku dhaqma diinta Islaamka, waxaana uu ka mid yahay daacafyada maanta ugu wanaagsan kubadda cagta ee caalamka, waana nin ku faana islaanimada.
11-kii Maarso, bilowgii bisha soonka, RĂ¼diger waxa uu soo dhigay sawir isaga oo ku jilba joogsan sijaayadda salaada oo xiran khamiis cad oo fartiisa midig uu kor u taagayo, oo ay la socoto ciwaan: “Ramadaan Mubaarak dhamaan muslimiinta caalamka waxaan leenahay allaha naga aqbalo soonkii iyo ducadaba.
Laba toddobaad ka dib markii uu farta taagey, ayaa RĂ¼diger loo magacaabay safka hore ee ciyaartii Faransiiska ee Jarmalka guushu ku raacdey guushii 2-0, saxafiga Julian Reichelt, tafatirihii hore ee wargeyska Jarmalka ee BILD, qoraal uu ka qorey wuxuu qabsaday baraha bulshada ee X, isagoo ku andacoonaya in farta RĂ¼diger ee kor loo taagay ay ka dhigan tahay ficil Islaami xagjir ah.
RĂ¼diger iyo Xiriirka Kubadda cagta ee Jarmalka ee DFB waxay qaadeen tallaabo maalintii Isniintii, wuxuu u gudbiyay kiis dacwad oogayaasha Berlin oo la xiriirta sumcad-dil, kicin iyo nacayb, sidoo kale Xiriirka kubadda cagta ee jarmalka DFB oo kiiska u gudbiyay Qaybta Dhexe ee Xakamaynta Dembiyada Internetka ( ZIT) ee Frankfurt.
W/Q Hanad Askar
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com