Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo furay Shirka xogsiinta iyo howlgelinta Golaha cusub ee Xukuumadda

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa furay shirka xogsiinta iyo howlgelinta golaha xukuumadda cusub ee Puntland.

Shirkan oo socon doona hal maalin waxaa xubnaha cusub ee golaha Wasiirada lagula wadaagayaa xogo muhim u ah shaqada Dowladnimo, hanaanka wadashaqeyn, Siyaasadda dowladda, Habraacyada heer walbo iyo guddiyada loo kala qeybiyay Golaha.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka hadalo ka jeediyay ayaa wasiirrada ugu baaqay in ay ka faa’iideestaan shirkan inta uu socdo iyo qodobada diirada lagu saarayo.

Xukuumadda cusub ee  maamulka Puntland ayaa dhawaan lasoo dhisay , waxaana wasiirrada uu magacaabay Madaxweyne Siciid Deni u badan yihiin kuwa siyaasada ku cusub, halka ay ku jiraan wasiirro horey xukuumadii hore uga tirsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Mombasa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Trump Oo U Hanjabay Dalalka Kula Tartamaya Mareykanka Martigelinta Koobka Adduunka sanadka 2026

Cabdi Cade

Col. Cismaan Abshir (Kabayare) oo ku dhintay qarax ka dhacay Buuraha Galgala

Caydiid Ali
Taboola Ads ---